Dooni ku degtay dalka Tunisia oo ay ku dhinteen 27 qof

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 27 qof ayaa dhintay ama la la’yahay, ka dib markii laba doonyood oo muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha bari ee dalka Tunisia.

Doontii ugu horreysay, ayaa Jimcihii ka amba baxday dalka Tunisia, waxayna ku sii jeedday dalka Talyaaniga, iyadoo 37 ay la socdeen.

20 qof ayaa la la’yahay halka 17 la badbaadiyay, afhayeen u hadlay maxkamadda magaalada Sfax, ayaa sidaasi sheegtay.

Sabtidii, afar meyd ah, ayaa laga soo saaray xeebta, kadib markii doon labaad ay degtay.
36 qof oo la socday doonta labaad ayaa la soo badbaadiyay, saddexna waa la la’yahay, sida uu sheegay afhayeenku.

Af-hayeenka, Faouzi Masmoudi, ayaa sheegay in doonyaha ay ka samaysan yihiin baco adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here