Tababaraha Ugu Cad Cad Inuu Graham Potter Ka Bedelo Chelsea Oo La Ogaaday.

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maamulka kooxda Chelsea ayaa ugu dambayn xalay gaadhay go’aanka ay tababarihii labaad kaliya gudaha xilli ciyaareedkan shaqada kaga caydhinayaan iyagoo diray Graham Potter.

Sida wargeyska Sportsmail uu daboolka ka qaaday Salaasadii hore, tababarihii hore ee Bayern Munich ee Julian Nagelsmann ayaa kamida tababarayaasha u tartamaya shaqada Chelsea.

Maamulka Chelsea ayaa mudo toddobaadyo ah ka fikirayay mustaqbalka Graham Potter kaddib xilli ciyaareed liita oo ay kooxdu dhexda ka gashay.

Haatan saxafiga weyn ee Fabrizio Romano ayaa daboolka ka qaaday kaddib caydhintii Potter in Nagelsmann yahay macalinka ugu cad cad shaqada ka banaanaatay Stamford Bridge.

Chelsea ayay macquul tahay inay ku adkaato inay ku qanciso 35 sano jirkaasi inuu shaqada kooxda qabto mudo kooban kaddib markii laga diray Bayern.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here