Caro ka dhalatay gabadh 18 sano jir ah oo nolosha lagu gubay

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Caro ka dhalatay geerida gabadh 18 sano jir ah oo uu gubay nin xirrir kala dhexeeyay ayaa aad looga dareemay gudaha dalka Peru.

Katherine Gómez ayaa go’aansatay inay soo afjarto xirrirkooda balse ninkan oo go’aankeeda ka falceliyay ayaa gabadha ku gubay barxad ay dadka isugu yimaadeen.

Kadib lix maalmood oo ay isbitaalka ku jirtay, Jimcihii ayay dhawaacyadii soo gaaray u geeriyootay .

Eedeysanaha weerarka geystay, ayaa lagu magacaabaa Sergio Tarache Parra, kaas oo aan lllaa hadda la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Arintan ayaa dalka ka yaabisay, kadib markii la sheegay in boolisku ay dhawr maalmood ku qaadatay inay amar ka soo saareen kiiskan hadalhaynta badan dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here