Imran Khan oo sheegay in gurigiisa la bililiqaystay

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa sheegay in gurigiisa la bililiqeystay.

Imran, ayaa intaa ku daray in waraaq baaritaan loo isticmaalay gelitaanka gurigiisa, iyadoo sida uu sheegay xadgudubyo kale laga sameeyey gurigiisa.

Xiligii uu falku dhacayey, ayaa guriga Imran Khan, waxaa ku sugneyd xaaskiisa.

Imran Khan, ayaa lagu soo oogay dacwad, isagoo laga dalbaday inuu kasoo hor muuqdo maxkamad.

Tani ayaa keentay inuu ka biyo diido Imran Khan, inkastoo uu markii danbe aqbalay inuu tago maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here