Maraykanka iyo Ethiopia oo ka wadahadlay dardargelinta heshiiskii gobolka Tigray.

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Anothony Blinken ayaa Arbacadii la kulmay ra’iisal wasaare ku xigeenka Ethiopia ahna wasiirka arrimaha debedda Demeke Mekonnen, taasoo qayb ka ahayd booqasho hal maalin ah oo uu ku tegey dalkaas.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa rajo ka muujiyey heshiiskii nabadeed ee ay bishii November kala saxeexdeen dawladda federaalka ah ee Ethiopia iyo xoogagga Tigreega.

“aad iyo aad bay u wanaagsan tahay inaan markale ku soo laabto Afrika, gaar ahaan dalka Ethiopia, waxaan qabaa inay tahay xilli muhiim u ah, yididiilada nabadda ee ka socota dhinaca woqooyi, taasoo hore u sii socota” ayuu yidhi.

“Waxaa jirta wax badan oo ay tahay in la qabto, hase ahaatee waxaa ugu muhiimsan in la sii xojiyo nabadda haatan ka hanaqaaddaysa Woqooyiga” ayuu sii raaciyey.

Kulanka dhex maray labada masuul, waxaa ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Danjiraha Maraykanka u jooga Ethiopia Tracey Ann Jaobson iyo danjiraha Ethiopia u jooga Maraykanka Seleshi Beeke.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here