Macdan qodayaal ku dhintay god Dahabka laga qodo oo ku yaalla Tanzania

0
95

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Siddeed qof oo macdan qodayaal ah, ayaa ku dhintay kadib markii biyaha roobka ay ku fataheen, godka dahabka laga qodo ee waqooyi-galbeed ee dalka Tanzania.

Meydadka ayaa la helay Sabtidii, waxaana laga helay mid kamid ah macdan qodayaasha oo nool.

Maamulka ayaa sheegay in macdan qodayaasha ay si sharci darro ah u galeen, si ay dahab uga raadiyaan godad dhulka hoostiisa mara, kaasoo loo fasaxay kaliya howlaha cilmi baarista.

Taliyaha booliiska gobolka Geita, Safiya Jongo, ayaa BBC u sheegtay in hawlgalka samata bixinta lasoo gaba gabeeyey shalay, maadaama haatan dhammaan dadkii ku jirey godka lasoo bixiyey.

“Waxay samaynayeen wax halis gelinaya naftooda, dadka intiisa badan, gaar ahaan dhalinyaradu waxay qaataan go’aan khatar ku keenaya oo oocaas oo kala ah…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here