Tahriibayaal gaaraya 20 oo ku dhintay xeebta Madagascar

0
77

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laba iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Madagascar ka dib marrkii doon ay la socdeen ay kula dhacday xeebta iyaga oo ku sii jeedda jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska.

Saddex iyo labaatan qof ayaa la badbaadiyay iyadoo wali la baadi goobayo dadka qaar oo welii la la’yahay, sida ay sheegtay wakaalada badaha Madagascar.

Hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi ay si qarsoodi ah doonta ugu qaadeen Mayotte.

Inta badan dadkii la soo badbaadiyay ayaa baxsaday si aan loo xirin, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay sarkaal booliis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here