Iiraan iyo Sacuudiga oo heshiis lama filaan ah gaaray.

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Labada waddan ee xifaaltanka adag ka dhexeeyo, Iiraan iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, tan oo imaanaysa toddobo sano ka dib markii ay xiriirka isu jareen.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa timid ka dib afar maalmood oo mas’uuliyiinta labada dal wadahadal uga socday dalka Shiinaha.

Sacuudiga ayaa Iiraan xiriirka u jaray ka dib markii sanadkii 2016 safaaradda Sacuudiga ee Tehran ay mudaharadayaal ku xoomeen taas oo daba socotay ka dib markii Sacuudigu uu xukun dil ah ku fuliyey wadaad Shiici ah.

Xiisadda u dhaxaysa labadan dal ee Shiicada iyo Sunniyiintu kala hoggaamiyaan ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here