Nin xulufo la ah Xi Jinping oo loo dhaariyey ra’iisal wasaaraha Shiinaha

0
111

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ninka uu madaxweyne Xi Jinping u magacaabay ra’iisul wasaaraha xiga ee dalka Shiinaha, ayaa waxaa si rasmi ah u ansixiyey baarlamaanka.

Li Qiang, hoggaamiyihii hore ee xisbiga Shuuciga ee magaalada ugu weyn dalka ee Shanghai, ayaa hadda hogaamin doona dowladda, isagoo bedelaya Li Keqiang, oo shaqada ka fariistay.

63-jirkan, ayaa ku dhawaad ​​in ka badan 2,900 cod ka helay, kuwaasoo ah ergo ka tirsan Golaha Shacabka Qaranka.

Xiriirka dhow ee Xi, ayaa loo arkaa inuu noqon doono mid kaalin weyn ka qaata Li, waxaana loo xilsaari doonaa dib u soo noolaynta dhaqaalaha Shiinaha ee liicliicaya.

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo magacaabista Wasiirada cusub.

Xarunta ay ka dhacaysay munaasabadda looma oggolayn wariyayaal inta lagu guda jiro kulanka baarlamaanka Shiinaha ee caaga ah. Sacab ayaa dhacay markii Xi uu codkiisa dhiibtay.

Li – oo hadda ah sarkaalka labaad ee ugu darajada sarreeya nidaamka siyaasadda Shiinaha – ayaa helay codad dhan 2,936 cod, saddex ergo oo keliya ayaa kahor yimid magacaabistiisa, halka siddeedna ay ka aamuseen.

Markaa Ka dib waxaa la dhaariyay Li, isagoo ku dhaartay inuu daacad u yahay dastuurka Shiinaha, iyo inuu si adag uga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa dal barwaaqo ah, oo leh ciiddan xooggan, dimuqraadi ah, ilbaxnimana leh, iyadoo ku wada noolaanshaha waddanka, iyo ilaalinta hanti wadaagga casrigana ah ay lagama maarmaan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here