HORDHAC: Man United vs Southampton

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qorshaha Man United ee maanta waa inay iska dhaqaan ceebtii Liverpool ka soo gaartay kulankoodii ugu danbeeyay ee horyaalka markaasoo 7-0 lagu soo xasuuqay.

Waxay Man United dooneysaa inay badiso kulankeedii shanaad ee isku xiga ee garoonka Old Trafford tartamada oo dhan marka ay maanta martigeliyaan kooxda Southampton.

MAXAA CUSUB?

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa isbedelo ku sameyn kara shaxdiisa ka dib markii uu shax isku mid ah ku soo bilaabay labadii kulan ee ugu danbeysay.

Tyrell Malacia, Jadon Sancho iyo Aaron Wan-Bissaka ayaa ka mid ah xiddigaha u tartamaya inay ku soo bilowdaan shaxda kooxda halka Anthony Martial uu ku soo laabtay tababarka markii uu ka soo kabsaday dhaawac sinta ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Southampton Carlos Alcarez ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka isagoo u dabaaldegayay goolkiisii guusha ee kulankii Leicester City.

Juan Larios iyo Tino Livramento ayaa dhaawacyo muddo dheer uga maqan Southampton.

XOGTA KULANKA

Kulanka: Man United vs Southampton

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Anthony Taylor

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Malacia; Casemiro, Fred; Antony, Fernandes, Rashford; Weghorst

Southampton: Bazunu; Maitland-Niles, Bella-Kotchap, Bednarek, Walker-Peters; Ward-Prowse, Lavia; Walcott, Alcaraz, Sulemana; Adams

MA OGTAHAY?

Manchester United lagama badinin 14kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Southampton tartamada oo dhan, waxay badiyeen todoba, waxayna barbaro galeen todoba.

Southampton waxay badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 28kii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Man United, labadaas guulba waxay ku gaareen Old Trafford sannadihii 2015 iyo 2016.

Goolka xiga ee ay Man United ka dhaliso Southampton wuxuuna noqon doonaa goolkoodii 100aad ee ay ka dhaliyaan Southampton horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here