TikTok oo qaadday tillaabo farxad galineysa dadka isticmaala

0
47

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Shirkadda TikTok ayaa qaaday tillaabooyin amni si ay meesha uga saarto cabsida laga qabo in lagu qasbo in ay la wadaagto xogta isticmaalayaasha Shiinaha.

Tillaabooyinkan ayaa noqon doono kuwo amniga bartaan wax looga qaban doono si madax-bannaan.

La socodka xogta TikTok waxay ka dhigi doontaa mid adag si loo aqoonsado isticmaalayaasha gaarka ah.

App-ka ayaa sheegaya in “tillaabooyinkan amaanka” ku saabsan ay ku dari doonto habab dheeraad ah oo lagu xakameynayo helitaanka macluumaadka isticmaalayaasha Yurub iyo u wareejinta xogta meel ka baxsan Yurub.

Shaqaalaha u shaqeeya Guddiga Midowga Yurub ayaa lagu amray inay taleefannadooda iyo qalabka hay’addaas ka saaraan barnaamijka TikTok.

Iyadoo shirkaddu ka duuleyso sidii kalsooni loogu qabi lahaa xaqiijinta iyo kaydinta xogta isticmaalayaasha gudaha Yurub, ayaa TikTok waxay daaha ka qaadday qorshayaal lagu dhisayo laba xarumood oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya €1.2 bilyan sannadkii, mid ka mid ah xaruumahaas waxaa laga dhisayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland, iyadoo xaruunta kalana looga dhawaaqay dalka Norway.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here