Maalqabeen asal ahaan Hindi ah oo doonaya inuu noqdo Madaxweynaha Maraykanka.

0
71

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Laba kamid ah saddexda siyaasi ee shaaciyay in ay doonayaan in tikidhka xisbiga Jamhuuriga ay ugu tartamaan madaxtinimada Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Hindiya.

Inkastoo Nikki Haley ay tahay siyaasi magac weyn leh, ayaa waxaa si aan la fileyn tartanka ugu soo biiray Vivek Ramaswamy oo ku cusub masraxa siyaasadda.

Ramaswamy oo ah maalqaabeen iyo qoraa ayaa 21-kii February waxa uu telefishinka Fox News ka shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Maraykanka.

Waxa uu sheegay inuu doonayo “dhaq-dhaqaaq cusub oo ku aaddan riyada Maraykanka, kaasoo lagu saleeyay gaaridda heerka ugu sarreeya.”

37 jirkan ayaa ku dhashay Ohio, waxaana uu wax ka bartay jaamacadaha Harvard iyo Yale, isagoo dhaqaalo badan ka sameeyay culuunta biotechnology iyo shirkad maamusha hantida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here