Raysal wasaaraha UK oo ku dhawaaqay hadal niyad jab ku ah dadka tahriibayaasha.

0
59

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qof kasta oo doomaha yaryarka ah ku taga dalka Ingiriiska waxaa laga hor istaagi doonaa inuu codsado magangalyo, sida uu dhigayo sharci cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo toddobaadka soo socda.

Wasiirada ayaa lagu booriyay in ay waajib ku tahay in ay meesha ka saaraan qof kasta oo yimaada UK ee soo mara wadada ay adeegsadaan tahriibayaashu sida ugu dhakhsaha badan.

Raysal wasaaruhu wuxuu ka dhigay “joojinta doomaha” mid ka mid ah shantiisa arrimood ee mudnaanta leh.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ayaa la filayaa inay soo bandhigto sharciga cusub Talaadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here