Shiinaha oo ka jawaabay amar ay dowladda Mareykanka ka soo saartay TikTok.

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu si xad dhaaf ah uga falceliyay ka dib markii shaqaalaha dowladda Mareykanka lagu amray inay ka saaraan app-ka TikTok taleefannada ay dowladdu bixiso.

Isniintii, Aqalka Cad ayaa soo saaray amar uu wakaaladaha dowladda 30 maalmood ku siiyay inay hubiyaan in shaqaaluhu aysan haysan app-ka Shiinaha laga leeyahay ee TikTok.

Amarka ayaa daba socda dhaqdhaqaaqyo la mid ah midkaan oo ay qaadeen Midowga Yurub iyo Canada toddobaadyadii la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu ku takri falay awoodda dowladda si uu u caburiyo shirkadaha shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here