Mucaaradka Nigeria oo mar kale ku guulaystay codka ugu badan caasimadda dalkaas

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Peter Obi oo ahaa musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka ayaa ku guuleystay magaalada Abuja ee caasimadda dalkaasi, kadib markii uu si aqlabiyad ah u helay codadkii halkaas la codeeyey.

Waxa uu helay 281,717 cod marka loo eego 90,902 uu ku guulaystay ninka ay isku soo dhawaayeen ee Bola Tinubu oo ka tirsan xisbiga talada haya ee APC.

Xisbiga PDP Atiku Abubakar ayaa helay 74,194 cod.

Mr Obi ayaa caan ku ah codbixiyayaasha da’da yar ee ku sugan xarumaha magaalooyinka wuxuuna sidoo kale ku guuleystay gobolka Lagos.

Xisbigiisa iyo PDP ayaa ku baaqay doorasho cusub, iyaga oo ku andacoonaya wax isdabamarin.