Markabkii ugu horreeyay oo sannado kaddib ku soo xirtay dekadda Xudeyda ee Yemen.

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Markab sida alaabo ganacsi ayaa lagu soo warramayaa in markii ugu horraysay muddo sanado ah uu ku soo xirtay dekadda Xudayda ee waddanka Yemen.

Magaalada Xudayda ayaa marin muhiim ah waxa ay u tahay inta badan badeecadaha u socda dadka Yemen, kuwaas oo cunto iyo dawo yari baahsan ay ku habsatay sideeddii sanadood ee uu socday dagaalka sokeeye.

Badeecadaha ka soo degaya dekadda Xudayda ayaa ku koobnaa oo kaliya alaabo gaar ah oo ay isha soo mariyeen guddi Qaramada Midoobay ah kuwaas oo ka hortaga in hub la galiyo waddanka Yemen.

In dekadda Xudayda loo furo ganacsiyada ayaa waxaa loo arkaa in lagu dhisayo kalsoonida maadaama ay socdaan wadahadallada la doonayo in dib loogu soo celiyo xabbadjoojintii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here