Ronaldo Oo Qabsaday Sacuudiga Xilli Uu Seddexleey Ku Dhaliyay 45 Daqiiqo

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo ayaa laga celin la’ yahay shabaqa horyaalka Sacuudiga.

Xiddiga reer Portugal ayaa seddexleey ka dhaliyay kooxda Damac isagoo 45 daqiiqo gudaheed seddex gool uga dhaliyay kooxda kaalinta 7aad islamarkaana Al Nassr ka caawiyay inay hogaanka u qabato horyaalka.

Xiddigii hore ee Manchester United, Real Madrid iyo Juventus  ayaa haatan dhaliyay sideed gool shan kulan uu saftay. Waa tiro aad uga duwan ciyaartoyda kale ee kala ciyaareysa horyaalka.

Waa tiro ka dhigeysa inuu ku jiro tartanka kabta dahabka horyaalka Sacuudiga iyadoo kulamo badan ay harsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here