Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Masar

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Taliska Ciiddanka Cirka ee dalka Masar ayaa sheegay inay burburtay Diyaarad Dagaal ee nooca Tababarka kadib markii sida la sheegay ay Cillad Farsamo la soo gudboonaatay, iyadoo uu Duuliyihii uu Dallayad ama Baarshuud kaga booday Diyaaradda,  ka hor intaysan dhulka ku burburin.

Dhanka kale,  Guddi Farsamo ayaa la magacaabay, kuwaasi oo bilaabay Baaritaanka waxa sababay Shilkaasi.

Afhayeen u hadlay Ciiddanka Cirka ee dalka Masar waxa kale oo uu sheegay in Shilal noocan oo kale ay dhaceen bishii November ee sanadkii hore ee 2022-kii, bilihii June sanadkii 2019-kii iyo November sanadkii 2018-kii.

Dhamaan shilalkaasi waxay dhaceen xilli lagu guda-jiray Duullimaadyo Tababar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here