Dhul gariir cusub oo ku dhuftay dalka Turkiga

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhulgariir cusub oo cabirkiisu yahay shan dhibcood iyo saddex, ayaa laga soo sheegay bartamaha dalka Turkiga.

Khubarada cilmiga dhulka, ayaa sheegay in xudunta dhulgariirka ay ku taal gobolka Niğde. Waxaa laga dareemayay gariir magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhul gariirkan.

Waxay ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii ku dhawaad konton kun oo qof, ay ku dhinteen dhul gariirro waaweyn, oo ku dhuftay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here