Sacuudiga oo $1 bilyan ugu deeqay dib u habeynta dhaqaalaha Yemen.

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan 1 bilyan oo dollar dhigay bankiga dhexe ee Yemen ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan Talaadadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA, iyadoo dowladda dalkaas ay la daalaa dhacayso lacag yari ah iyo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo badeecadaha.

Riyadh ayaa hoggaamineysa isbaheysiga militari ee Yemen oo dagaal kula jira Xuutiyiinta xulafada la ah Iran tan iyo 2015 kadib markii Xuutiyiintu ay ka saareen caasimadda Sanca dowladda uu Sacuudiga taageero.

Colaadda ayaa hakatay, iyada oo ay jirto nabad la’aan, maadaama dagaalku inta badan joogsaday, balse labada dhinacba waxay ku guul-darreysteen inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad-joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo dhacay bishii Oktoobar.

Ilaa hadda ma cadda in 1 bilyan oo doollar ay qayb ka ahayd xirmo taageero ah oo 3 bilyan oo doollar ah oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta u ballan-qaadeen bishii May ee lasoo dhaafay dhaqaalaha Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here