Man City Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh La Gashay RB Leipzig

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa taako kala kulantay RB Leipzig oo ka soo kabsatay gool looga hormaray islamarkaana barbaro 1-1 ah ku qabatay kooxda Ingariiska ciyaartii ka dhacday Jarmalka.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa ciyaarta maamuleysay qeybtii hore ee ciyaartii garoonka Red Bull Arena, waxayna hogaanka u qabteen ciyaarta ka hor waqtigii nasashada.

Qalad uu sameeyay Xaver Schlager ayaa u ogolaatay Jack Grealish iyo Ilkay Gundogan inay kubada u dhisaan Riyad Mahrez oo shabaqa ku taabtay daqiiqadii 27aad.

Waxay aheyd goolkii 20aad ee xiddiga reer Algeria ee tartamada oo dhan, isagoo ku riyaaqaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Leipzig ayaa horumar weyn sameysay qeybtii labaad, waxayna ku dhawaadeen inay barbareeyaan daqiiqadii 55aad markii uu fursad fiican helay Benjamin Henrichs.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here