Real Madrid Oo Si Xun U Xasuuqday Liverpool.

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa hal lug la sii gashay wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay guul soo laabasho waali ah ka gaareen kooxda Liverpool oo marti loogu ahaa Anfield.

Labo gool oo ay ku hormartay Liverpool ayaa loogu bedelay shan gool iyadoo Los Blancos ay ku dabaaldegtay Anfield.

Darwin Nunez iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool hogaanka u dhiibay laakiin min labo gool ay kala dhaliyeen Vinicius Jr iyo Karim Benzema iyo gool uu dhaliyay Mendy ayay Real Madrid ku xasuuqday Reds.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si waali ah iyadoo Darwin Nunez uu hogaanka u dhiibay Liverpool daqiiqadii afaraad ka dib karoos uu ka helay Mohamed Salah isagoo dabamariyay goolhaye Courtois.

Toban daqiiqo ka dib Liverpool ayaa heshay goolkii labaad markii Courtois uu ka daahay kubad uu u soo celiyay Carvajal, waxaana ku soo gaaray Mohamed Salah oo shabaqa ku hubsaday. Xiddiga reer Masar ayaana noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Liverpool tartamada Yurub.

Daqiiqadii 21aad Real Madrid ayaa gool soo ceshatay, weliba waxa uu ahaa gool aad u qurux badan oo uu Vinicius Jr si cajiib ah u dabamariyay goolhaye Alisson.

Daqiiqadii 36aad goolhaye Alisson ayaa hadiyad qaali ah siiyay Real Madrid ka dib markii kubad loo soo celiyay uu damcay inuu bixiyo balse wuxuu ku dhuftay cagta Vinicius Jr taasoo keentay inay kubada shabaqa ku nasato oo ay ciyaarta noqoto barbaro 2-2 ah oo lagu kala nastay qeybtii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here