Dhulgariir hor leh oo ku dhuftay Turkiga.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Samatabixiyeyaasha ayaa mar kale baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismooyinka burburay ee Turkiga, kaddib markii dhulgariir hor leh u uku dhuftay dalkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof.

Gariir cabbirkiisu yahay 6.4 iyo 5.8 ayaa ku dhuftay koofur-bari meel u dhow xadka Suuriya, halkaasoo lixdii bishan ay ku dhufteen labo dhulgariir oo labadaba dalba saameeyay.

Dhulgariirradii hore ayaa 44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen.

Dhismooyinbka ay hore u jilciyeen dhulgariirrada ee labada dal ayaa dumay.

Hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.

Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here