Xiriirka Kubadda cagta Ingiriiska Ee FA oo Ganaax Ku Riday Liverpool.

0
109

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey in uu ganaax ku riday kooxaha Liverpool iyo Everton, kaddib ficilladii ay sameeyeen ciyaartoydoodu kulankii Isniintii ee Merseyside derby ee Anfield.

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa isku dhacay, isla markaana dagaal lagu kala jiiday markii ay is-qabsadeen Andy Robertson iyo Jordan Pickford, waxaanay taasi keentay in uu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka FA ayaa lagu sheegay, in Liverpool iyo Everton ay ku fashilmeen inaya xakameeyaan ciyaartoydooda kulankii Isniintii 13 February ee Anfield, taas daraadeedna labada naadiba la ganaaxay.

“Liverpool iyo Everton waxa lagu ganaaxay isku-dhacii weynaa ee ciyaartoydooda ee daqiiqaddii 86aad ee kulankii horyaalka Premier League ee Isniintii 13 February.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka, waxaana lasii raciyey: “Labada kooxoodba waxay ku eedaysan yihiin inay ku guul-darraysteen in ay xaqiijiyaan in ciyaartoydoodii ku jirtay garoonka ama kuwa kaydku ay u dhaqmaan si habboon oo ay ka dheeraadaan dhaqanka daandaansiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here