Maraykanka oo beeniyey inuu Shiinaha ku basaasay buufimaha joogga sare ku duula.

0
94

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dawladda Maraykanka ayaa si adag u diiday eedaha uga yimi dalka Shiinaha ee ku saabsan, in Maraykanku uu sannadkii hore dul mariyey hawada dalkaas, in ka badan 10 buufimood oo ah kuwa wax basaasa oo ku duulaya joog aad u sarreeya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo xiisadda labada dal ay meel sare marayso, ka dib markii ay ciidamada Maraykanku ay soo rideen boofin ka timi dalka Shiinaha oo soo gashay hawada Maraykanka.

Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa u sheegay telefishanka MSNBC “inaanay run ahayn eedaha ka yimi Shiinuhu, isla markaana aanu Maraykanku dul marin wax buufimo ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here