HORDHAC: Man City v Aston Villa

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City oo dadaal badan ugu jirta sidii ay cadaadiska u saari lahayd kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal ayaa caawa marti-qaadaysa dhigeeda Aston Villa.

City ayaa toddobaadkii hore ka faa’idaysan wayday guuldarro Arsenal kala kulantay Everton iyagoo dhinacooda guuldarro kala kulmay Tottenham.

Markale Sky Blues ayaa fursad la siiyay kahor kulanka ay Arbacada la leeyihiin isla Arsenal maadaama ay kooxdaasi shalay barbardhac ku dhaafi wayday Brentford oo marti u ahayd.

Wararka Labada Kooxood 

Man City waxa dhaawac kaga maqnaan doona John Stones balse waxa la filayaa inuu soo laabto Phil Foden oo xanuun ku seegay ciyaartii Tottenham.

Rico Lewis ayaa la filayaa inuu markale kusoo bilawdo shaxda Pep isagoo Kyle Walker kasoo hormaraya lana ciyaaraya Nathan Ake, Laporte iyo Akanji.

Mahrez iyo Grealish ayaa la filayaa inay weerarka kala dheelaan Haaland halka Gundogan khadka dhexe kaga soo hormari karo Bernardo Silva.

Aston Villa  dhinaceeda waxay dhaawacyo ku waayaysaa Diego Carlos iyo Jed Steer, Unai Emery ayaa lagu wadaa inuu shax ciyaareedka 4-4-2 kusoo shirtago.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (4-3-3)Ederson; Lewis, Akanji, Laporte, Ake; De Bruyne, Rodri, Gundogan; Mahrez, Haaland, Grealish

Aston Villa (4-4-2)Martinez; Young, Konsa, Mings, Digne; Ramsey, Kamara, Luiz, Buendia; Bailey, Watkins

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 7:30 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Robert Jones

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here