In ka badan 5,000 oo Haween Ruush ah oo uur leh oo galay Argentina bilihii la soo dhaafay.

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh ayaa galay Argentina bilihii la soo dhaafay, oo uu ka mid yihiin 33 ka mid ah oo hal duulimaad saarnaa maalintii Khamiista, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dumarka ugu dambeeyay ee soo galay dalkan ayaa dhamaantood ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyay ee uurka, sida ay sheegtay wakaaladda socdaalka ee dalkaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in haweenku ay doonayaan in carruurtoodu ay ku dhashaan gudaha Argentina si ay u helaan dhalashada Argentina.

Tirada dadka imanaya ayaa kor u kacday dhawaanahan, taas oo warbaahinta maxalliga ah ay ku sheegtay in uu ka dhashay dagaalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here