Lammaane Instagram soo dhigay Muuqaal ay ciyaarayaan oo 10 sano Xabsi ah lagu xukumay.

0
58

Jowhar- (Isnaay Radio)- Lamaane u dhashay dalka Iran oo 20-sano jir ah ayaa lagu xukumay xabsi dhan 10 sano kadib markii ay soo bandhigeen muuqaal ay ku cayaarayaan wadada dhexdeeda, Waxaana la sheegay in lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin Musuqmaasuq iyo Dacaayad.

Muuqaalka ayaa muujinaya iyagoo qoob-ka-ciyaar ku sameynaya Agagaarka Daarta Azadi ee Tehran.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in xariga lamaanahan uu yimid kadib markii ay muuqaalka soo dhigeen bartooda Instagram-ka, kaasoo ay ku jiraan dad ku dhow laba Milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here