Bangiyada Ruushka iyo Iran oo samaystay Nidaam gaar ah oo ay lacagaha isugu diraan.

0
66

Jowhar- (Isnaay Radio)- Sarkaal sare oo u hadlay dalka Iran ayaa sheegay in dalalka Iran iyo Ruushku inay isku xidheen hannaanka isgaadhsiinta ee bangiyadooda iyo nidaamka kala wareejinta lacagaha, si arrintaasi ay gacan uga geysato kor u qaadista ganacsiga iyo macaamilka maaliyadeed.

Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Iran Mohsen Karimi ayaa sheegay inaanay bangiyada Iran u baahnayn nidaamka is-afgarashada bangiyada ee SWIFT, marka ay xidhiidhada maaliyadeed ay isdhaafsanayaan bangiyada Ruushka ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here