Di Maria oo Go`aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Juventus.

0
110

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Juventus ee Di Maria ayaa ka hadlay mustabqalkiisa kooxda Juventus ka dib markii 15 dhibic laga xayuubiyay kooxda.

Juve ayaa xalay bar bar dhac min sedex gool ah la gashay Atlanta kulan horyaalka ahaa , waxa uuna Di Maria xusay in qaladaad ka dhacay ay sabab u aheyd bar bar dhacaas

Maalmo ka hor ayaa Juve laga xayuubiyay 15 dhibic ka dib markii lagu eedeeyay is dabamarinno dhanka mushaaraadka ah intii lagu jiray waqtigii Carona-ha

Di Maria ayaa xusay in dharbaaxada ku dhacday Juventus aysan saameyn ku yeelaneyn mustaqbalkiisa kooxdaas

Waxa uu rajo ka muujiyay in kooxdiisa aysan saameyn weyn ku yeelan doonin dhibcahaas laga jaray uuna haminayo in ay xilli ciyareedka dambe ka harin Champion-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here