Ruushka iyo Pakistan oo gaaray isfaham ku saabsan dhanka shidaalka.

0
99

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay ‘heshiis isfaham ah’ la gaadheen dalka Pakistan, oo ku saabsan sahayda saliida ceedhiin iyo batroolka, iyada oo sidoo kale labada dhinac ay ku heshiiyeen in lacagaha lagu bixiyo “hannaanka lacagaha dalalka saaxiibka ah”.

Wasiirka Tamarta ee Ruushka Nikolay Shulginov oo booqasho ku jooga Pakistan ayaa arrintan ku dhawaaqay, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Islamabad, ka dib kulano uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada qayb galay guddi sannadle ah oo ka dhexeeya labada dawladood kaas oo dusha kala socda heshiisyada ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here