Malaayiin qof oo biyo la’aan ku wajahaya qeybo ka mid ah Itoobiya

0
95

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in inkabadan siddeed milyan oo qof oo ku nool qeybo ka mid ah woqooyi-galbeed gobolka Amxaarada ay haatan wajahayaan biyo la’aan baahsan, halkaasi oo ay saameysay coladda muddada ka jirtay gobolka deriska ah ee Tigreeda.

Mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa sheegaya in colaaddii u dhaxeysay  TPLF iyo dowladda federaalka Itoobiya ay ku burbureen ku dhawaad 1500 oo goobood oo horey dadka deegaanku ay biyaha ka heli jireen.

Colaadda gobolka Tigreeda ayaa la soo afjaray bishii Nofeembar ee sanadkii tegay balse gobollada Amxaarada iyo Tigreeda waxaa wali ka jiro biyo, cunno iyo dawo la’aan baahsan oo saameyn ku yeeshay nolasha dadka shacabka ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here