Taallada Shimbirta ee Twitter oo lacag badan lagu xaraashay.

0
86

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa lasoo gabogabeeyay xaraash lagu iibinayay boqollaal qalab ah oo yaallay xarunta shirkadda Twitter ee magaalada San Francisco.

Taallada astaanta caanka ah ee Twitter-ka oo u sameysan sida shimbirta ayaa lagu iibiyay lacagtii ugu badneyd, iyadoo lagu qaatay $100,000 (£81,000).

Dadka munaasabaddan ka daawanayay dhinaca online-ka ayaa gartay in qalabka la isticmaalay uusan qiimahooda gelin wax gorgortan ah, maadaama lagu iibinayay lacag ka badan tan tafaariiqda.

Xaraashka ayaa la sameeyay xilli milkiilaha Twitter-ka Elon Musk uu jaray kharashkii ku bixi jiray shirkaddan wixii ka dmabeeyay markii uu lacag dhan $44bn ku iibsaday sanadkii lasoo dhaafay.

Tan iyo markii uu Mr Musk Twitter-ka la wareegay bishii October waxa uu sidoo kale dhimay kala bar ka mid ah shaqaalihii Twitter-ka, isagoo shaqada ka eryay ilaa 7,500 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here