Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 16-ka January.

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Chelsea ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya weeraryahanka England Raheem Sterling, inkastoo 28 jirkaan uu kaliya u dhaqaaqay Stamford Bridge xagaagii hore. (Football Insider)

Arsenal ayaa xiriir la samaysay Barcelona si ay u sahamiso heshiisyada ay kula soo wareegayso garabka Brazil Raphinha, 26, iyo weeraryahanka Spain Ferran Torres, 22. (90min)

Arsenal ayaa loo soo bandhigay xiddiga garabka uga ciyaara Brighton iyo Belgium ee Leandro Trossard, oo 28 jir ah, kaasoo lagu wado inuu ka tago Seagulls bishaan. (Independent)

Barcelona ayaa qiimo dhan 100 milyan euro (£88.7m) dul dhigtay Raphinha, kaasoo Camp Nou kaga soo biiray Leeds bishii July. (Sport – In Spanish)

Barcelona ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo 33 jir ah kana tirsan kooxda chelsea laakiin waxa ay ka cabsi qabtaa in ay sharci ahaan awoodin in ay sidaas sameeyaan.(Telegraph – subscription required)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay wax ka badan 100 milyan ginni ku qarash gareyso seddex saxiix oo kale inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ka dib markii ay dhameystirtay heshiiska weeraryahanka Ukraine Mykhailo Mudryk. (Football Insider)

Liverpool ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Wolves iyo Portugal Ruben Neves, oo 25 jir ah, bisha Janaayo iyadoo uu England ka maqan yahay Alex Oxlade-Chamberlain iyo xiddiga Guinea Naby Keita. (Mirror)

Arsenal ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca midig ee kooxda Real Valladolid iyo xulka Spain Ivan Fresneda, oo 18 jir ah.(Telegraph – subscription required)

Manchester United iyo Arsenal ayaa ku tartami doona saxiixa garabka reer Brazil Luiz Henrique, oo 22 jir ah, kana tirsan Real Betis . (Fichajes – in Spanish)

West Ham ayaa dalab 25 milyan ginni ah ka gudbisay weeraryahanka Lorient iyo xulka Nigeria Terem Moffi oo 23 jir ah (Sky Sports).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here