Saraakiil Shiine ah oo sheegay in dadkooda lagu faquuqay Cudurka Covid.

0
92

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Shiinaha ayaa joojiyey soo saaarista fiisooyinka waqtiga gaaban ee la siinayey dadka ka yimaada Koofur Kuuriya iyo Jabbaan , arrintan aayaa looga aargoosanayaa xannibaadhihii lagu soo rogay dadka Shiinaha ee safarka ah.

Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in ay tahay arrin faquuq ah in goonni loo saaro dadka Shiinaha ah ee safraya.

Gobolka dhexe ee Hunaan ee dalkaa oo ay ku nool yihiin 99 milyan oo qof ayaa lagu warramayaa in in ka badan 99% ay qabaan cuudurka Covid

Saadaalada la bixinayo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal milyan oo qof sanad dalka shiinaha ay ugu dhiman doonaan cudurka Covid

Dalka Shiinaha gudihiisa warbaahinta dalkaa ayaan buunbuunineyn qatarta fayruska . Saraakiil ka tirsan magaalooyin waaweyn iyo gobolo ayaa sheegay in heerka cudurka Covid uu aad u xad dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here