Hugo Lloris oo ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga ee Xulkiisa France.

0
108

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hugo Lloris ayaa ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii uu France ku hogaamiyay finalka koobka aduunka labaad oo xiriir ah.

Goolhaye Lloris ayaa ah ciyaaryahanka ugu safashada badan Les Bleus, waxaana uu kabtan u ahaa kooxda tan iyo 2012kii.

Goolahayaha Tottenham waxa uu dalkiisa ka soo qaaday lix tartan oo waaweyn, oo ay ku jiraan saddex koob adduun.

Iyadoo Lloris uu weli ciyaarayo, France ayaa ku soo laabatay finalka Koobka Adduunka ee Qatar 2022, kaliya waxa ay rigoorayaal kala kulmeen Argentina.

Isagoo wakhti ku qaatay inuu ku dhawaaqo go’aanka guuldaradaas ka dib, Lloris ayaa xaqiijiyay inuu ka fariistay wareysi uu siiyay L’Equipe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here