In ka Badan 15 qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Wadanka Shiinaha.

0
84

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 19 qof ayaa dhintay 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay gobolka Jiangxi ee bariga Shiinaha, sida ay warbaahinta dalkaasi wariyeen.

Shilkan dhimashada badan sababay ayaa dhacay abaaro 1-dii habeennimo ee waqtiga gobolka Nanchang sida ay ku warantay warbaahinta CCTV oo soo xiganeysa saraakiil maxalli ah.

CCTV ayaa warisay in sababta keentay shilkan wali la baarayo.

Warbaahinta maxalliga ah Jimu ee xiriirka la leh warbaahinta dowladda ee Hubei Daily Media ayaa ku warrameysa in shilka uu dhacay ka dib markii baabuur weyn oo xamuul ah uu ku dhacay dad meyd siday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here