Weriye ka warramay xukunka dilka ah ee lagu riday dibadbaxyaasha Iran oo la xiray.

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weriye u dhashay dalka Iran oo wareysatay qaar kamid ah qoysaska eheladooda lagu riday xukun dil ah ayaa la xiray, sida laga soo xigtay xaaskiisa iyo warbaahinta Iran.

Mehdi Beik ayaa xabsiga loo taxaabay sida uu ku warramay wargeyska ka hadla arrimaha isbaddalka ee Etemad oo uu shaqeynayay Beik.

Lama ogo sababta loo xiray balse waxay arrintan imaaneysaa xilli ay socdaan howlgallada dowladda ee ka dhanka ah dibadbaxyaasha Iran.

Iran waxaa gigilay dibadbaxyo socday biloyin tan iyo markii gacanta booliska ay ku geeriyootay gabadh kasoo jeeda kuridada Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here