WHO oo Sheegtay in Ugu yaraan 10,000 oo qof ay toddobaadkii u dhintaan Covid-19.

0
86

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shir ay isugu yimaadeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Caafimaadka Adduunka Khamiistii, ayaa Agaasimaha Guud ee ururukaas Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus waxa uu ka jeediyay khudbad xambaarsaeyd war wanaagsan iyo mid laga naxo oo ku saabsan COVID-19.

Waxa uu sheegay in sannadkii afraad oo masiibada COVID-19 ay dunidu ‘ku sugan tahay meel aad uga wanaagsan sidii ay ahaan jirtay dhowr sanno kahor, sababtoo ah maaraynta daryeelka caafimaad, tallaalada iyo daawaynta.’

“Inta badan sannadkii hore, COVID-19 wuu sii yaraanayay. Tallaalkuna dunida oo dhan waa ku batay. Waxaana jirtay horumar joogto ah oo laga sameeyay waddamo badan oo dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah” ayuu yiri Dr. Tedros.

Wuxuu dhinaca kale ka digay, si kastaba ha ahaatee, in halista COVID-19 ay sii jirto.

“Sinnaan la’aanta ugu weyn ee helitaanka baaritaanka, daaweynta iyo tallaalka ayaa sii socota. Toddobaad kasta, ku dhawaad 10,000 oo qof ayaa u dhinta COVID-19. Khasaaraha dhabta ah waxay u badan tahay inuu intaas ka badan yahay.” ayuu sheegay Dr. Tedros.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here