Kevin McCarthy loo doortay afhayeenka Gollaha Wakiilada Mareykanka.

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kevin McCarthy ayaa loo doortay afhayeenka golaha aqalka wakiilada ee Mareykanka kadib muran iyo dood ka dhalatay doorashadiisa.

Mr McCarthy ayaa 15 wareeg ugu dambeyntii ku guuleystay doorashada inkasta oo xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa ay ku badnaayeen baarlamaanka.

Kevin McCarthy, ayaa horey u sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu ugu dambeyntii haysto taageero ku filan oo uu ku guuleysan karo.

Waxa si adag u hor istaagay xubno mayal adag oo xisbigiisa ka tirsanaa.

Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka tagnaa ismarin waa la xiriira dadaallada ay xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan guddoomiye cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here