Shil baabuur oo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Wadanka Uganda.

0
76

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, kadib markii bas rakaab ah uu jiiray gaari xamuul ah, subaxnimadii Jimcaha wadada weyn ee Uganda ee isku xirta caasimadda Kampala, iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Gulu.

Booliiska ayaa sheegay in 12 qof ay isla goobta ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhinteen markii dambe isbitaal.

Dhowr qof oo kale oo safar ahaa oo baska saarnaa, ayaa ku dhaawacmay.

Gaariga xamuulka ah, ayaa la sheegay in la dhigey oo uu rarnaa meel qiyaastii hal kilo mitir u jirta Kamdini Corner – oo ah goob caan ah oo ay maraan, isbaaro ciidanna ay taallo, oo dhacda waqooyiga dalka.

Todobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa dalka Uganda ka jiray walaac aad u weyn, oo ah dhibaatooyinka dhimashada ee waddooyinka gaar ahaan xilliyada ciidaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here