Sacuudiga oo yeeshay gabadhii ugu horreysay ee garsoore caalami ah.

0
100

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa Khamiistii magacaabay gabadhii ugu horreysay ee Sacuudiyaan ah ee noqota garsoore caalami ah, wax ka yar hal sano kadib markii xulka haweenka qaranka ay ciyaareen kulankoodii ugu horreeyay.

Aqoonsiga caalamiga ah ee Anoud Al-Asmari ayaa ah kii ugu dambeeyay ee talaabooyinka kubbadda cagta ee ay qaadday boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin 37-jika caanka ahaa ee Cristiano Ronaldo kusoo biiray horyaalka Sacuudiga, iyaga oo sidoo kale ka baaraan degaya martigelinta Koobka Adduunka.

“Waan ku faraxsanahay inaan noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee dumar ah oo Sucuudi ah oo qaata calaamadda caalamiga ah ee taariikhda ciyaaraha Sucuudiga,” ayay AFP u sheegtay Asmari, oo ka mid ah siddeed Sucuudiyaan ah oo ka oo ay FIFA ku dhawaaqday.

Asmari oo 34 jir ah oo wax laga waydiiyay sida ay u dareemi doonto in ay dhex dhexaadinayso ciyaarta ragga ayaa sheegtay in aanay waxba ka fikirayn ilaa ay oggolaasho ka hesho xiriirka Kubadda Cagta ee Sacuudiiga.

In kasta oo Sacuudi Carabiya ay caan ku tahay dhaqanka adag, haddana fursado ayaa u furmaya ciyaaraha haweenka oo uu ku jiro Horyaalka Kubadda Cagta Haweenka, kaasoo bilowday bishii November 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here