Itoobiya oo Dayax-gacmeedki saddexaad hawada sare u direyso.

0
94

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Machadka Teknooloojiyadda iyo Hawada sare ee dalka Itoobiya ayaa sheegay Dayax-gacmeedki seddexaad iney hawada sare u dirayaan.

Ku xigeenka machadka Dr Yeshurun Alamayehu oo BBC u warramay wuxuu sheegay Dayax-gacmeedkan seddexaad oo lagu magacaabo ETRSS-2 si la mid ah labadi dayax gacmeed oo ka horreeyey waxay ku wareegeysaa dhulka si ay macluumaad uga soo uruuriso.

Dayax-gacmeedkanna wuxuu kuwi hore uu kaga duwan yahay waxay soo direysaa sawirro iyo muuqaallo ka nadiifsan kuwi hore.

Dayax-gacmeedkan cusub wuxuu gacan ka geysanayaa daraasaadka iyo xog uruurinta la xiriirta Beeraha, Macdanta, Ilaalinta Deegaanka, Ilaalinta cimilada iyo kheyraadka dhulka daraasaadka la halmaala.

Sameynta Dayax-gacmeedkan waxaa iska kaashaday aqoon yahanno u dhashay dalka Itoobiya iyo kuwa u dhashay dalka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here