Arsenal oo Taako Kala Kulantay Newcastle.

0
64

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa lumisay laba dhibcood oo muhiim ah kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa premier League .

Arsenal ayaa laba dhibcood oo qaali ah lumisay tartanka ay ugu jirto horyaalka premier League iyaga oo iska lumiyay fursad ay 10 dhibcood ugu qaban lahaayeen hogaanka.

Hogaamiyayaasha premier League ayaa ahaa kuwa fiican guud ahaan ciyaarta iyaga oo u qalmay in ay 3-da dhibcood kala baxaan Kulanka.

Newcastle ayaa sidoo kale dhinaceeda heshay fursado fiican oo ay gool ku dhalin karto intii ay ciyaartu socotay.

Isku wada duuboo Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool laakiin waxa ay dhaafi waayeen daafaca Newcastle United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here