Thomas Tuchel oo noqday tababaraha ugu cadcad ee la filayo inuu noqdo macallinka Real Madrid ee beddeli doona Carlo Ancelotti

0
105

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Thomas Tuchel ayaa noqday tababaraha ugu cadcad ee la filayo inuu noqdo macallinka Real Madrid ee beddeli doona Carlo Ancelotti, haddii uu khabiirkaa Talyaanigu go’aansado inuu iskaga tago Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo la sheegayo inuu kusii jeedo waddanka Brazil oo xulka qaranka dalkaasi doonayo inuu u beddelo Tite.

Carlo Ancelotti oo qandaraaskiisa Real Madrid uu sannad ka hadhsan yahay ayaa dhowaan sheegay in aanay qorshihiisa ku jirin inuu ka tago Real Madrid, haddii aanay kooxdu eryin, laakiin waxa isasoo taraya wararka ku xidhiidhinaya xulka qaranka Brazil, inkasta oo uu caddeeyey in aanay wali cidina lasoo hadal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here