Turkiga iyo Israa’iil oo sanado kaddib soo celiyey xiriirkoodii diblumaasiyadeed.

0
110

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Turkiga iyo Israa’iil ayaa soo celiyey xiriirka diblumaasiyadeed ee ay lahaayeen kaddib marki ay labada dhinac ku heshiiyeen iney safaaradaha Ankara iyo tel-aviv dib loo furo.

Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Turkiga, Irit Lillian ayaa magaalada Ankara warqadaheeda aqoonsiga ku guddoonsiisay madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdoğan, tallaabbadaasi oo qayb ka ah iney labada dhinac ay xiriirkooda diblumaasiyadeed soo ceshteen.

Madaxweynaha Israa’iilna arrintan wuxuu ku tilmaamay mid farxad weyn leh inuu markale maqlo astaanta qaranka Isra’iil oo Ankara laga qaadayo ay leedahay qiiro iyo dareen gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here