War Deg Deg Ah: Kooxda Liverpool oo Heshiis la gaartay Xidiga Cody Gakpo.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay saxiixa weeraryahanka PSV Eindhoven Cody Gakpo iyadoo wadahadalo heer sare ah ay socdaan.

Reds ayaa u baahan in lagu xoojiyo weerarka ka dib markii ay lumiyeen Luis Diaz iyo Diogo Jota dhaawacyo waqti dheer ah horaantii xilli ciyaareedkan.

The Athletic ayaa ku warameysa in kooxdu ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto 23-sano jirkaan, iyadoo kula soo saxiixaneysa 37 milyan ginni, iyadoo laga yaabo inay sare u kacdo 50 milyan ginni.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherland ayaa qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay Koobka Adduunka, isagoo dhaliyay seddex gool shan kulan oo uu u saftay kooxda Louis van Gaal .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here