Dalka Itoobiya oo lagu ugaarsanayo Waraabaha.

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maamulka duur-joogta Itoobiya, ayaa isku duba ridinaya koox ugaarsato ah, oo baadi goobaya Waraabe dilaa ah, meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Arrintaan, ayaa timid kadib markii dhawaan magaalada iyo agagaarkeeda, ay kusoo bateen weerarada waraabaha, ee ay u geysanayaan bini’aadanka.

Dadka uu dilay Waraabaha, ayaa waxaa ku jira “carruur, odayaal iyo [dhalinyaro],” ayuu intaa raaciyey khabiirka.

Khubarada ayaa ka digay in tani ay keentay balaarinta deegaanaha guryahay, iyo jarista dhirta ay keentay inay soo kordhaan weerarada.

Horaantii bishaan, Waraabe ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay dhismo casri ah, oo ku yaalla magaalada Leege Taafo, oo 17km (11 mayl) u jirta caasimada.

Dadka deegaanka ayaa maqlay ninkan oo oynaya, waxaana u suurta gashay inay ka eryan Waraabaha, balse uma suuragelin inay badbaadiyaan naftiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here