Man United Oo Diyaarinaysa Dalab Ay Ka Gudbiso Xiddig Aad Loo Qiimeeyo, Booskee Ayuu Ka Ciyaaraa.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso dalab Rasmi ah oo ay ka gudbinayso xiddiga daafaca midig uga ciyaara kooxda Lyon ee Malo Gusto.

19-sano jirku waxa uu noqday mid ka mid ah magacyada ugu horreeya ee shaxda kooxda ee Les Gones sanadkii la soo dhaafay waxana uu sameeyay hal caawin 14 kulan oo uu ciyaaray ilaa haatan.

Gusto ayaa xiddig joogto ah ka mid noqday kooxda Lyon waxana uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doona xagaaga 2024.

Qaab ciyaareedka da’yarka ayaa keentay in uu soo jiito xiisaha kooxda Man United, xilli ay Lyon ku qasbanaan karto in ay iibiso xiddiga hadii uuna heshiis cusub qalinka ku duugin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here