Xaalad degdeg ah oo looga dhawaaqay gobolka Darfur Ee koonfurta dalka Sudan.

0
94

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mas’uuliyiinta dalka Sudan ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqay koonfurta gobolka Darfur kadib dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sudan, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaal uu ka dhex qarxay beelaha Dajo iyo Rizeigat ee wada dego gobolka.

Darfur waxaa ka dhacay colaad u dhexeysa qowmiyadaha beeraleyda ah iyo xoola dhaqatada ah taasoo lala xiriiriyay dhinaca kheyraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here